عن عبدالله بن عمروبن العاص رضي الله عنه، قال: أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: المسلم من سلم المسلمون من لسانه ويده، والمهاجر من هجر ما نهى الله عنه
🌼 Cabdilaahi Binu Cumar binu al-caas Alle ha Ka raali noqdee waxaa laga wariyey in uu nabigu ﷺ uu yiri: Muslimka dhabta ahi waa kan ay muslimiinta kale Ka nabad galaan carabkiisa iyo gacantiisa , qof hijroodayna ama wax nacayna waa kan Ka hijrooda ama naca oo iska daaya waxa Alle Ka reebay 🌻
💫 Hadii dadka muslimiinta ahi ay Ka nabad galaan carabkaaga oo aadan caayin,xaman, waxna aadan Ka sheegin, gacantaadana ay Ka nabad galaan oo aadan dhib ama dil ama wax kale aadan u gaysan oo aad tahay qof wixii Alle amray qaata wixii uu Ka reebayna daaya adigu waxaa tahay Muslim dhab ah

0 Comments