𝐐𝐢𝐬𝐨 𝐤𝐚 𝐭𝐮𝐫𝐣𝐮𝐦𝐚𝐲𝐬𝐚 𝐦𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝𝐢’𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐢𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐦𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲.


 



Waxaa jiray tartan orodka fardaha ah oo lagu qabtay Masar furashadii Islaamka kaddib, waxaana goobta saxaraha ah ee kulul lagu tartansiinayay wiilal. Waxaana ka mid ahaa wiil uu dhalay Xaakimka Masar Camar ibnul Caas dhowr jeer markii lasoo wareegay ayaa mid ka mid ah wiilashii ka adkaaday wiilka Xaakimka Masar, wiilkii xaakimka kolkuu ogaaday in laga guulaystay, ayuu si kibir iyo isla-wayni leh intuu u eegay, ayuu ku dhuftay suun madaxa wiilkii Qibdiga (Masriga) ahaa, isagoo ku leh: "ma waxaad iga badisay anoo ah qof sharaf leh".


Wiilkii iyo qoyskiisa waa ay caroodeen, waxay na safar u aadeen magaaladii Madiina, si uu cabasho ugu gudbisto Amiirkii mu'miniinta Cumar ibn Al-Khadaab, isagoo ka cabanaya caddaalad-darrada iyo luminta mabda'a sinnaanta ee Islaamku dhigay.


Kolkii uu wiilkii Qibdiga ahaa yimid Madiina oo uu la hadlay Cumar (Alle ha raalli noqdee), gudbiyayna cabashadiisa ka dhanka ah wiilkii Xaakimka Masar, Khaliifka oo ahaa Al-Faaruuq waa jiriricooday, aad ayuuna u carooday. Isla markiina warqad gaaban ayuu u qoray waalliga Masar, Camar ibnu Al Caas, isagoo ku leh: "Haddii ay ku soo gaarto warqaddaydu, ii kaalay oo keen wiilkaagana!”


Camar ibnu Al-Caas wuxuu yimid Madiina isaga oo wata wiilkiisa. Khaliifku wuxuu qabtay maxkamadayn labada dhinac ah, isagoo ah Qaalliga iyo Kala Xukumiyaha. Markii uu ogaaday in wiilkii waaliga Masar uu ku xadgudbay inanka Qibdiga ah, Cumar ibnu Al-Khadaab usha ayuu ka qaaday, una dhiibay wiilkii Qibtiga ahaa, isaga oo ku yiri: “Ku dhufo oo ka aargudo inanka kuwa sharafta leh!”


Kolkii uu inankii Qibdiga ahaa ka aargutay, Cumar wuxuu u jeestay oo ku yiri: “Saar usha madaxa aabbihii, maxaa yeelay wuxuu kugu dhuftay isagoo ku tiirsan xukunka aabbihiis`e!” Wiilkii Qibdiga ahaa wuxuu yiri: “Amiiru Al-Mu'miniinow, waxaa igu dhuftay wiilkiisa, waana ka aargutay”.


Kaddib ayuu ku jeestay Camar wuxuuna ku yiri ereygii caanka ahaa: “Camarow, Goorma ayaad addoonsateen dadkii ay hooyooyinkood xornimada ku dhaleen?!”.



Post a Comment

0 Comments

}