Abu musaa Al ashacari waxa laaga wariyay Alle haka raali noqdee: Nebigu ﷺ wuxuu yidhi: "qofkasta oo maslim ah sadaqo ayaa ku waajibtay. -markaas ayay saxaabadu nebiga weydiiyeen:-qofkii aan wax uu sadaqaysto haysanna?
Nebigunaﷺ wuxuu ku yidhi: inta uu markaas shaqaysto waxa shaqada kasoo galana inna ha isku masruufo inna ha sadaqaysto.
Markale ayay saxaabadu weydiiyeen: qofka aan shaqayn karinna? Nebiguna ﷺ wuxuu ku yidhi: dadka baahan ha caawiyo( sida qof socda oo alaab ka dhacday ha usoo qabto)
markale ayay saxaabadu waydiiyeen haddaanu intanna awoodinna. Nebigina ﷺ wuxuu ku yidhi: wanaag ha sameeyo dadkana sharkiisa haka haysto,intaas ayaa sadaqo u ahe"
Xadiiskan wa mutafaq ( W/W: Bukhari iyo Muslim)
0 Comments