Zayd ibn Arqam (RC) wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay ﷺ wuxuu oran jiray
Ilaahow waxaan kaa magan galayaa:
~ cilmi aan faa’iido lahayn,
~ qalbi aan kuu khushuucin,
~naftaan qancin,
~ iyo duco aan la aqbalin."
Zayd wuxuu yiri: Rasuulku ﷺ wuu ka magangalyo bixin jiray (afartan )
عَنْ زَيْدِ بْنِ أَرْقَمَ قَالَ: كَانَ رَسُولُ اللهِ ﷺ يَقُولُ:
"اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنْ عِلْمٍ لَا يَنْفَعُ، وَمِنْ قَلْبٍ لَا يَخْشَعُ، وَمِنْ نَفْسٍ لَا تَشْبَعُ، وَمِنْ دُعَاءٍ لَا يُسْمَعُ."
*قَالَ: فَقَالَ زَيْدٌ: وَكَانَ رَسُولُ اللهِ ﷺ يَتَعَوَّذُ
Xadiiskani wuxuu tusaale u yahay ducada wanaagsan ee joogtada ah wuxuu na barayaa inaanan ku qancin muuqaalka kaliya, balse aan Alle ka barino:
➤ Cilmi faa’iido leh, oo na anfaca adduun iyo aakhiro,
➤ Qalbi khushuuc leh, oo Alle ka cabsada,
➤ Nafs deggan*, oo aan hunguri badnayn,
➤ Duco la aqbalo*, oo xiriir togan Alle la leh.
Ducadaasi waa wacyi gelin maalinle ah oo qalbiga nadiifisa, qofkana ka ilaalisa kibir, jahli iyo qalbi qalafsan.
Ilaahay ha inaga dhigo kuwa ducadooda la aqbalo, cilmi faa’iido leh yeesha, qalbigooduna u khushuucaan, naftooduna ku qanacdo. Aamiin.🕊️🤎🦋🌅

Ibrahinmed121.gmail.com
ReplyDelete