Ha isoo xusuusan keliya marka aad ii baahato, ee isoo xusuuso marka aad iga maaranto. Ha isoo xusuusan keliya marka aad ciriiri dareento, marka qalbiga ku cuslaado, marka aad weydo qof aad arimahaaga u sheegato, ee isoo xusuuso marka aad faaruq tahay ee aysan jirin wax ku dhibaayo. Ha isoo xusuusan keliya marka howlaha kaa kala daataan, ee isoo xusuuso marka ay isugu kaa aadantahay ee aad negi tahay, qalbigana kuu daganyahay.
Ha isoo xusuusan keliya marka talada kaa baahdo ee aad weydo meel aad qabsato, sida haad geed waayay markaad noqoto, ee isoo xusuusato markaad heyso awood aad wax ku maareyso. Ha isoo xusuusan keliya marka waji gabax uu kugu dhaco, marka ay ku fogeeyaan kuwii aad dhaweysatay, marka aad weydo qof kuu furfuran, ee isoo xusuuso marka hareerahaaga la buuxo ee aanan waxba kuu heynin ee aad maarmi karto.
Ha isoo xusuusan keliya marka illinta kaa daadaneyso qof kaa masaxana aad weydo, keliya ha ila soo doonan illintaada, ee isoo xusuuso markaad faraxsantahay ee aad niyadda bashaash ka tahay, qalbigana waasic kuu yahay.
Ha isoo xusuusan keliya markaad caajis dareento ee aad weydo wax aad waqtigaaga ku qabato, ee isoo xusuuso markaad mashquul tahay ee aad is gaari la’dahay masoofooyin ayaan soo socon doonaa adigoon ii yeerin si aan madaxa kaaga dhunkado.
Jaallayaal
Inta badan waxaan qofka xusuusanaa xilliyada baahideena, xilliyada nagu adkaada, xilliyada aan gacal weyno, xilliyada aan daah-daah rabno, balse ma xusuusano xilliyada farxada, xilliyada dagan, xilliyada mashquulka, xilliyada bashbashta.
Ma xuma inaan qofka xusuusano xilliyada inaga xumaaday ee aan garabka rabno waa caadi taas, balse waxaa gobanimo ah inaan xusuusano xilliyada aan maarmi karno keliya si aan qofkaas u bariidano, ama waqti ula qaadano!!!
Kuwa ina soo raadiya iyagoo inaga maarma, salaama!!
Hana aqrisan kaliya oo love ama reaction kale saar
