Digniin Muhiim ah (Telegram)

 


⚠️ DIGNIIN MUHIIM AH


Dhalinyaro badan ayaa xalay, shalay iyo maanta laga jabsaday akoonnadooda Telegram-ka. Waxaa soo baxay kooxo tuugo ah oo dadka u soo diraya linkiyo been abuur ah. Marka aad gasho ama taabato linkigaas, waxay si fudud ula wareegayaan akoonkaaga Telegram-ka.


Kadibna waxay ku faafinayaan sawirro iyo muuqaallo anshax xumo ah group-yada aad ku jirto, sidoo kalena waxay saaxiibbadaada u dirayaan fariimo, sawirro iyo linkiyo khaldan.


Fadlan ka taxaddar linki kasta oo laguu soo diro, ha ahaado qof aad taqaan ama qof aadan garanayn. Hubi linkiyada ka hor intaadan furin, hana gelin.badbaadada akoonkaagu waxay ku jirtaa feejignaantaada.


Ciladaasi makugu dhacday ama mahaysataa sxbkaa?

Qaybta hoose ee faalada nagula wadaag. 


Post a Comment

0 Comments

}