Ha la yaabin dareenkeedan is khilaafaya, jawigeeda degdega isku beddelaya, farxaddeeda, xanaaqeeda, murugadeeda degdegga ah, iyo cabsideeda ay ka qabto mustaqbalkeeda.
Miyaanad arag nolosheeda? Waxay rabtaa qof fahma hadalkeeda, mar kalana fahma aamusnaanteeda; qof u garaaba khaladkeeda, kii ku qaldamana ka raaligeliya.
Waxay rabtaa qof u naxariista, marka qof dareema duruufaha ay waayuhu ku ciqaabeen. Waxay rabtaa hadana qof daryeela, qof siya waxay rabto iyadoon weydiisan, qof garasho leh oo hubsa hadafkeeda, iyo qof u nugul oo ay aqtisa ku nasato.
Miyaanu noolahaasi cajiib ahayn? Runtii waa cajiib!!.
Waa dumar oo waa u dhalasho naxariista iyo nuglaanta. Ee ha la yaabin marka ay agtaada timaaddo iyadoo aan kala saarin waxa ay dareemayso, iyadoo aan qarin karin waxa qalbigeeda yaalla. Mararka qaar way aamusi karta , mararka qaar way hadli kartaa , mararkaa qaar way ooyi kartaa iyado aan sabab cad kuu shegin , lakiin gudaha qalbigeeda waxa ka socda dagaallo aan indhaha lagu arkin .
wakhtigaas haku noqon mid kakan oo qallafsan , isku day ina dhagysato hadaladdeeda ,fahanto dareenkeeda , una noqoto meel ay ku nasato . fahan waxa dhibaya ,deji ,oo tus inaad tahay garabkeeda , ha xukumin ee u muuji inaad tahay qof aan dhibsanayn dareenkeeda iyo fikirkeeda.
Mar mar haku jahwareerin dhaqankeeda ,waayo daqiiqado ama ilbiriqsiyo ayey jawigeedu isku baddeli karaa !! . Cajiib!! . Laakiin quruxda dhabta ahi waxay kujirtaa inaad fahanto in qalbi walba uu leeyahy sheeko ugaar ah , gaar ahaan qalbiga dumarka .
Dumarku ma rabaan qof quman oo aan qalad lahyn , waxay rabaan qof fahma , qadariya , ilaaliya , oo dareensiiya in ay muhiim tahay . qof marka ay daciifto garab unoqda , marka ay faraxdana farxaddeeda la wadaaga . Taasi waa jacaylka iyo fahamka dhabta ahi . !!.
