No results found

    Qofkasta oo Muslim ah sadaqo ayaa ku waajibtay ...(Al- xadiis)


     Abu musaa Al ashacari  waxa laaga wariyay Alle haka raali noqdee: Nebigu ﷺ wuxuu yidhi:    "qofkasta oo maslim ah sadaqo ayaa ku waajibtay. -markaas ayay saxaabadu nebiga weydiiyeen:-qofkii aan wax uu sadaqaysto haysanna?

    Nebigunaﷺ  wuxuu ku yidhi: inta uu markaas shaqaysto waxa shaqada kasoo galana inna ha isku masruufo inna ha sadaqaysto.

    Markale ayay  saxaabadu weydiiyeen: qofka aan shaqayn karinna? Nebiguna  ﷺ wuxuu ku yidhi: dadka baahan ha caawiyo( sida qof socda oo alaab ka dhacday ha usoo qabto)

    markale ayay saxaabadu waydiiyeen haddaanu intanna awoodinna. Nebigina ﷺ wuxuu ku yidhi: wanaag ha sameeyo dadkana sharkiisa haka haysto,intaas ayaa sadaqo u ahe"

    Xadiiskan wa mutafaq ( W/W: Bukhari iyo Muslim)

    Post a Comment

    Previous Next

    نموذج الاتصال