Waxaa jiray saddex wiil oo saaxiibo ah, maalin maalmaha kamid ah ayay go'aansadeen inuu qofkasta oo iyaga kamid ah uu hal arrin joogteeyo 10ka sano ee soo socota, si ay natiijada u arkaan mar dambe.
Kii koowaad baa yiri: "anigu waxaan joogtaynayaa hal xabbo oo doolshe ah oo aan cunayo".
Kii kalena wuxuu yiri: "aniguna 15 push-up (aalamiito) ayaan joogtaynayaa 10ka sano ee soo socota".
Kii seddexaadna: "aniguna 10 daqiiqo ayaan wax aqrinayaa".
Wuxuu waqtigu socdaba... waxaa soo wareegatay 10kii sano, waana waqtigii la sugayay natiijada.
Kii koowaad waxaa u kordhay hilib (wuu cayilay). Kii labaadna wuxuu noqday qof dhisan jir-ahaan. Kii saddexaadna wuxuu noqday aqoonyahan cilmi seynis (scientist).
Bal adiguna arrin dooro oo joogtey sanadka soo socda, kadibna natiijada eeg.
Sheekada: Omir Dzelilovic

0 Comments