Nolosha (Xikmad)

 

Qofkasta wuxuu leeyahay, 1- Public life, 2-Private life, 3-Secret life, 


✅PUBLIC LIFE:-waa dhaqan Iyo dabeecad aad bulshada la wadaagto ama ay kugu taqaano, sida deriskaaga, Saaxiibada aad isku jaamacadda tihiin, kuwa aad meel ka wada shaqeysaan,Costumers kaaga, dadka kugu xeeran ama aad sheeko wadaaga tihiin, Etc,


✅PRIVATE LIFE:-Waa arimo iyo qorshayaal ku kooban dadka aad ku kalsoon tahay sida:- Xaaskaaga,Waalidkaa, walaalahaa iyo Saaxiibadaada gaarka ah, oo aadan ogoleyn iney idinka idin dhaafto, ama ay dadkale ogaadaan.


✅SECRET LIFE:-Waa Siro Adiga iyo naftaada oo keliya ku kooban, oo aysan cid kale kula ogeyn sida, Xaaskaaga,Caruurtaada,, Waalidkaa, Walaalahaa iyo Saaxiibadaada gaarka ah, waxaasi waxey noqon karaan, shaqo leexsan oo aad qabato, balwad kuu gaar ah, keydkaaga dhaqaale, waxyaabo aad aragtay oo hadii aad soo bandhigto mushkilad kale dhalinaya, Siro dowladeed ama Hey’addeed,& waxkasta oo aad naftaada oo keliya ku qarsatid,Etc. 


Dabcan, dadka oo dhan waa leeyihiin Secret Life, ha u badnaato ama ha u yaraatee, balse Adiga dadku waxey kugu xukminayaan Public Life-kaaga wixii ay ka yaqaanaan ama ay ka arkeen,sidaas daraadeed qofna si dhameystiran uma macneyn karo qofkale, xitaa hadii uu la nool yahay sanooyin badan, ogoow marwalba waxaa jira wax kaa qarsoon oo qofkaas u gaar ah.


Balse, Maryooleey sida ka muuqata inbadan oo ka mid ah wax u kala soocan malaha, halmar bey wixiiba ooda ka soo wada qaadayaan, fadlan Private life ka & Secret Life kiina Social Media ha keeninina, ee guryihiina iyo laabtiina ku heysta, oo noqda dad wax u kala hara leh, noloshuna u kala qeybsan tahay.

Post a Comment

0 Comments

}